Wadamada ay u dhasheen dadkii lagu dilay Weerarkii lagu qaaday Burkina Faso oo la shaaciyay (Daawo Sawirada)

  Sunday January 17, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dowlada Burkina Faso ayaa soo bandhigtay Wadamada ay kasoo jeedaan qaar kamid ah dadkii lagu dilay Weerarkii Kooxo katirsan Al-Qaacida ku qaadeen Hotelka Splendid ee kuyaala Magaalada Ouagadougou.

Weerarka lagu qaaday Hotelka ay degnaayeen inta badan dadka ajanaiibta ah iyo goob kale oo Kofeega laga cabo ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dad gaaray 28-qof ay ku jiraan dad kasoo jeeda qaar kamid ah Wadamada Reer Galbeedka.

Lix qof oo kamid ah dadka lagu dilay Weerarka ayaa la sheegay in ay u dhasheen dalka Canada, waxaa sidoo kale weerarka ku dhintay labo muwaadin oo kasoo jeeda Faransiiska, labo muwaadin oo kasoo jeeda Swden, iyo muwaadiiin kale oo kasoo jeeda dalalka Mareykanka iyo Holland.

Waxaa sidoo kale dadka dhintay ku jira dad u dhsahay Dalka Burkina Faso uu weerarku ka dhacay iyo dad kale oo ajaaniib ah oon wali la xaqiijin wadamada ay kasoo jeedaan, waxaana weerarakan masuuliyadiisa qaatay Kooxda Al-Qaacida.

Dalka Burkina Faso ayaa ku jira 75 saacadood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameenayo dadkii lagu dilay weerarkii ka dhacay magaalada Ouagadougou, waxaana si weyna loo adkeeyay amaanka xarumo waa weyn oo kuyaala dalka Burkina Faso.









































































































































































































































Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS