Waxgarad Iyo Qurbo Joog Booqday Deegaano Ka Mid Ah Karkaar Kana Hadlay Dib U Dhiska Deegaanadaasi – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Saturday January 16, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Suldaan Subeyr Xaaji Maxamuud Abokor oo ka mid ah isimada Puntland oo ay weheliyaan cuqaal iyo nabadoono iyo qurbajoog reer Puntlan ah ayaa booqday qeybo ka mid ah gobolka Karkaar ee dhaca badda hindiya.

Suldanka oo booqday Degmada Qadiimiga ah ee Bander Bayla ayaa halkaasi kula kulmay cuqaasha wax garadka iyo isimada deegaanka, isagoona Degmada Bander Bayla kaga qay galay shir ay iskugu yimadeen dadka deegaanka kaasi oo duleedka degmadaasi, waxana shirka looga hadlay horumarka nabadda, midnimada, iyo adkaynta Ammaanka Deegaanka iyo guud ahaan Puntland.

Suldaanka waxa uu shirkaasi oo soconayay 4 maalin xiritaankiisa ka jeediyay khudbad uu uga hadlayay qiimaha wada jirka iyo isku duubnida shacabka degmada.

shirkaasi kadib suldaanka iyo waftigiisu waxa ay u ambabaxeen deegaanka Mareer ee ka tirsan Degmada Isku Shuban ee gobolka Karkaar, waxaana halkaasi kaga qayb galay munaasbad lagu caano shubayay Nabadoon Abshir Maxamed Axmad oo ah nabadoon cusub oo ay doorteen mid ka mid ah beelaha Tanade ee degta deganadaasi.

Suldaanka Subeyr isimo iyo cuqaal ayaa ugu hambalyeeyay nabadoonka cusub shaqada iyo xilka ay ku aamineen dadkiisu iyagoona kula dardaarmay inuu si daacad leh dgaanan iyo ka fiirsashoba leh uu dadkiisu ugu adeego.

Ugu dambeyntii Suldaan Zubayr Xaaji Maxamuud iyo wagtigiisa ayaa dhagax dhigay Iskuul Saldhig boolis iyo Ceel biyood Riig ah kaasi oo si isku tashi ah u dhisanayaan dadka degaanka Mareer, iyadoona suldaanku uu dadka qurbajoogta ah ugu baaqay inay ka qayb qataan horumarka ay tiigsanayso bulshudu.

112511995_1042211665809080_1160673319_n12516536_1042211572475756_1093823296_n

IMG_8314IMG_8342IMG_8355IMG_8358IMG_8363IMG_8366IMG_8379IMG_8382IMG_8387IMG_8397IMG_8412IMG_8469IMG_8472IMG_8473IMG_8474IMG_8475IMG_8476IMG_8478IMG_8483IMG_8501IMG_8517IMG_8550IMG_8563IMG_8564IMG_8646IMG_8647IMG_8656IMG_8660IMG_8681IMG_8690IMG_8695IMG_8697IMG_8698IMG_8699IMG_8703IMG_8714IMG_8715IMG_8718IMG_8730

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS