Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii Ceel-Cadde

  Saturday January 16, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

anaayo 16 (Jowhar)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay weerarkii shalay Al-Shabaab la beegsatay saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo,isagoo cadeeyay in weerarada Al-Shabaab aanay hakin doonin howl galada milateri ee dalka ka socda.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in si buuxda ugala qeyb qaadato dagaalka wadamada gobolka kula jiraan Al-Shabaab oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya iyo gobolka.

“Waxaan tacsi dirayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, shacabka iyo ehaladii ay ka baxeen geesiyaashii naftooda ku waayey iyagoo gudanayaa hawl ay nabad uga dhalinayaan Soomaaliya. Soomaaliya waxay si buuxda ula shaqeyneysa Kenya iyo dalalka kale ee ka tirsan AMISOM, dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo aan ku rajo weynahay in bilaha soo socda la soo afjari doono. In xididdada loo siibo kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya Soomaalya ,waxay gacan weyn ka geysan doontaa nabadgelyada gobolka iyo tan caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidammada AMISOM, uu hadafkooda koowaad yahay in argagixisada naf la caariga ah laga sifeeyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ku dishay illaa 63 askari, ayna kula wareegtay gaadiid ciidan iyo saanad milateri, waxaana weerarkan uu la mid yahay kii sanadkii hore ku qaaday xeryo Ciidamada Uganda ku lahaayeen Shabeellaha Hoose.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS