Hey’daha qaramada midoobay oo ka shaqeeysa Soomaaliya ayaa sheegay in ay codsanayaan lacag gaaraysa 885 million oo doolar kuwaas oo lagu bixin doono kaalmo bani’aadminimo dalka Soomaaliya sanadka 2016.

Xafiiska isku dubaridka gargaarka ee loo soo gaabiyo OCHA ayaa sheegay in ku dhowaad 4.9 milyan oo dad ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadminimo Soomaaliya taas oo la doonayo in hey’adaha ay kaalmo gaarsiiyaan 3.5 milyan oo dad ah sanadkan gudahiisa.

“Tani waxaa ku jira 1 million oo ruux oo ay soo wajahday cunto yari, halka 3.9 million ay wali baaqi ku sii yihiin u nuglaanshaha baahida,” waxaa sidaasi sheegay madaxa qaramada midoobay u qaabilsan qorshaha ka jwaab bixinta xaaladaha bani’aadanimo ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay OCHA, El Nino ayaa saameysay, sanadkii 2015 ku dhowaad 145,000 oo ruux taas oo ugu sii dartay xaaladaha nolaleed ee Soomaaliya ka jiray.

“Qorshaha ka jawaab bixinta xaaladaha bani’aadminimo ee Soomaaliya ayaa codsanaya 885 million dollars si ay u gaaraan 3.5 million oo ruux kuwaas oo u baahan kaalo bani’aadminimo, xilli talaabooyinka insaaniga ah ay la xiriiraan xaaladaha xilliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.

Sanadkii 2015 ururada la shaqeeya qaramada midoobay waxaa u suuragashay in ay gaaraan ku dhowaad 2.5 milyan oo ruux kuwaas oo ay ku jiraan kuwa ugu baahida badan marka laga eegayo gargaarka nolaleed.

Ugu dambeyntii OCHA, ayaa u mahadcelisay dadkii ku deeqay 14 milyan oo doolar kuwaas oo jawaab deg deg ah looga bixinayay dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii El Nino ee sanadkii la soo dhaafay ka da’ay deegaano kamid ah Soomaaliya.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar