Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa halkaasi kula shiraya ka qeyb galayaasha shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka 2016’ka, kaasi oo si rasmi ah beri uga furmaya Kismaayo.

Madaxweyne Xasan iyo Wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay socdaalka wafdiga Madaxweynaha ay ku tegeen Kismaayo.

Waxaa iminka Kismaayo ka soconaya shirar wadatashi ah oo uu Madaxweynuhu la leeyahay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxda Maamul goboleedyada ka dhisan dalka.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u furo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.