Jeneral Muqtaar” ” Baahiyaha ay qabaan ciidanka Boliiska Xirada Carmo waxaan u gudbin doonnaa Madaxda Dalka” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Views: 3616
Wednesday January 13, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Taliye Ku-xigenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa kormeer Ku Tagay Xirada Tababarka Ciidanka Boliiska ee Degmada Carmo.
Jeneral Muqtaar Xuseen Afrax Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska ayaa kormeerkiisa waxa ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Carmo, Taliyaha kulliyadda Ciidanka Boliiska Degmada Carmo, iyadoo loogu kuur galayay kormeerkaas baahiyaha ay qabaan ciidanka Boliiska Degmada Carmo.
Taliye Ku Xigenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Baahiyaha ay qabaan Boliiskaa Xirada Carmo ay u gudbindoonaan Madaxda Sare ee Dalka.
Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar
NO COMMENTS