Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in talada lagu tixgeliyo Bulshada labada gobol – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay si rasmi ah u furay shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ku baaqay in talada lagu tixgeliyo bulshada labada gobol oo ahmiyadda koowaad la siiyo inay isu tanaasul sameeyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dib u dhaca ku yimid shirka uu yahay dadaallo badan oo loo galay sidii uu u qabsoomi lahaay, isla markaana ay taariikh weyn u tahay shacabka labada gobol.

Madaxweynaha waxa uu ku baaqay in talada lagu tixgeliyo dadka degan labada gobol, isla markaana lagu ixtiraamo oo ay dowladda iyo qeybaha kale ku kabana wixi tusaale ah oo shirka lagu hirgelin karo.Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS