Wasiirka Warfaafinta_ Xeerka Saxaafaddu Maanta ayuu Dhaqan Galayaa – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Tuesday January 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo maanta ka hadlay shirka istiraatiijiyadda horumarinta warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegay Xeerka saxaafadduu dhaqan gal yahay oo uu maanta ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowladda.

“Xeerku waa dhaqan gal, maanta ayaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ah, sida uu qabo qodobka 41aad ee Xeerkan” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Waxa uu wasiirku ka hadlay xeerkan iyo faa’iidooyinka ay saxafiyiinta iyo warbaahintuba ka helayaan.

“Sharcigan waxaa loo sameeyay saxafiga oo uu sheegayaa xuquuqdiisa, dhowrayaa noloshiisa, Wixii ugu fiicnaa ee Soomaaliya warbaahinteeda loo sameyn lahaa waaye, waxaana sameeyay warbaahinta oo uu ka yimid.

“Waxaan doonayno waa in saxaafaddu jirto oo xoog yeelato, waana muhiim inaad sidaa u fahamtaan”.

Dhinaca kale Wasiirku wuxa uu ka hadlay xeer-hoosaadka loo samaynayo dhaqan galinta Xeerka Saxaafadda iyo waxa uu ku saabsan yahay.

“Xeer-Hoosaadka la soo saarayo waxa uu ku saabsan yahay qodobka 40aad ee Xeerkan, sida qidmadaha, ganaaxyada iyo arrimaha la midka ah oo ay wasaaradda warfaafinta, golaha saxaafadda Soomaaliyeed iyo dowlad-goboleedyadu ay ka fadhiisan doonaan”.

Wasiirka Warfaafinta Somaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in istiraatiijiyad loo sameeyo horumarinta saxaafadda Soomaaliya.

“Sababta istiraatiijiyaddan loo sameynayo waa danta wariyaha iyo warbaahinta Soomaaliya. Wixii khaldanna waa la saxayaa waase inay ahaadaan wax dan guud ah oo aysan dad gaar ah u adeegeynin, waa inaad lahaansho dareentaan.

Shirka ayaa la soo gabagabeyn doonaa galabta oo Talaado ah, ayadoo laga soo saari doono istiraatiijiyad ay isku raacsan yihiin dowladda, hay’adaha saxaafadda taageera iyo warbaahinta Soomaaliyeed, taas oo shaqeyn doonta 5ta sano ee soo socota.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS