Wafdi heerar kala duwan leh oo ku qul qulaya magaalada Jowhar – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wafdi heerar kala duwan leh oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno, siyaasiyiin, ergooyin ayaa ku qul qulaya magaalada Jowhar, iyadoo ay socoto qaban qaabada shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Shabeelaha Dhexe Abuukar Bacadle ayaa ku so waramaya in wafuuda gaaray magaalada ay horu dhac u yihiin wafuud kale oo saacadaha soo socda la filayo inay gaaraan Jowhar, isagoo intaa ku daray in ciidamo boolis ah lagu soo daadiyay magaalada si ay uga qeyb qaatan xoojinta amniga.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mahad Salaad, Wasiiru dowlaha Maaliyada Cabdullaahi Maxamed Nuur oo labadaba ka mid ahaa saxiixayaashii Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa iminka ku sii sugan magaalada, waxaana ay dhawaaan kulamo la qaateen madaxda iyo qeybaha bulshada.

Sidon kale Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda labada gobol ayaa gaaray magaalada Jowhar, kuwaasoo ka qeyb galaya furitaanka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo la dhigay wadooyinka magaalada soo gala

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS