Xukuumadda oo loogu baaqay in degmada Rabdhuure ay gurmad gaarsiiso – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo mudooyinkan dambe ku sugnaa gobolka Bakool, ayaa kormeer ay ugu kuurgalayeen xaaladda dadka ku dhaqan degmada Rabdhuure ku tageen halkaasi

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Sheekh Aadan Madoobe” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Rabdhuure ee ka tirsan gobolka Bakool, waxaana ujeedka kormeerkooda uu la xiriiray sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda ammaan iyo tan bulsho ee ka jirta degmada iyo deegaannada kale ee ku xeeran.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa sheegay in xaaladda amni ay tahay mid la isku haleyn karo, waxaana uu intaa ku daray inay ka maqanyihiin adeegyada bulshada, isago mas’uuliyiinta wafdiga horkaceyso ka codsaday inay degmada laga hirgeli geliyo adeegyo aas aasi u ah bulshada.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in xaalada ka jirta degmada ay u gudbin doonaan hay’adaha kale ee dowladda, si bulshada halkaasi ku dhaqan ay u heli lahaayeen gurmad dhinac waliba leh.Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS