Maamulka G_Sh_Dhexe oo diyaar garow xoogan ugu jiro qabsoomidda shirka maamul u sameynta – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka warbixiyay halka uu marayo diyaar garowga shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kaas oo dhowaan ka furmi doona magaalada Jowhar.

Afhayeenka Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in maamulkooda uu diyaar garow xoogan ugu jiro soo dhaweynta ergada ka qeyb galaysa shirka maamul u sameynta labada gobol, isla markaana shacabka ay diyaar u yihiin soo dhaweynta wafuuda kala duwan ee Jowhar gaareyso.

Daa’uud Xaaji Cirro ayaa hoosta ka xariiqay in amniga magaalada uu yahay mid la isku haleyn karo, isla markaana ay wada shaqeyn xoogan ka dhaxeyso shacabka iyo hay’aha ammaanka.

Hadalkan ka soo baxaya Maamulka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, iyadoo lafilayo in maalinta Talaadada ah uu halkaasi ka furmo shirka maamul u smeynta Gobollada Shabeellaha Shexe iyo Hiiraaan.Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS