Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo hirgeliyay isbitaal cusub “SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Sunday January 10, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka degmada Xamarweyne qeybaha kala duran ee ururada iskaashatooyinka, barbaarta gaashaaman, dhakhaatiir, odayaal, maamulka gobolka banaadir, dadweyne aad u fara badan iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha ururka iskaashatada kalluumeysiga Cabaas Nuur Mahdi ayaa sheegay in munasaban ay qiimaweyn u leedahay ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed.
Dr Ibraahim oo ka mid ah dhakhaatiirta ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in isbitaalkan loogu adeegi doono bulshada, gaar ahaan shaqaalaha iskaashatoyinka, iyadoo isbitaalka loogu magacdaray UDHIS hospital.
Guddoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka gaadiidka gobolka banaadir Daahir Maxamuud Dirir ayaa ugu baaqay iskaashatooyinka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka.
Guddoomiyaha ururka dhaq dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed Maxamed Abuukar Afrax oo gaba gabadii munaasabadda ka hadlay ayaa kula dardaarmay iskaashatooyinka Soomaaliyeed in ay sii laba laabaan howlaha lagu horumarinayo dalka.
Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar
NO COMMENTS