Munaasabad dhiiri grlin ah oo loo qabtay arday wax ka barata machadka barashada cilmiga dawooyinka+Sawirro – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Saturday January 09, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Ururka ganacsatada dawooleeyda Somaliyed aya qabtay Diploma Pharmacy ah oo ay iska kaashanayaan jamacadda Horizon University si sare loogu qaado aqoonta dadka iibiya daawada, waxaana dhamaday Semestarkii koowad.

Xafadladda oo isugu jirtay dhiirigelin iyo in ay la laba laabo dadaalka ayaa waxaa ka qeybgalay agaasimaha Wasaarada caafimadka Dr, Abdi risaaq, Jalaaluldiin oo ah agaasiaha qalabka dawada iyo gobaha, agaasima shaqaaalaha Mohamed Abdulkhadir Cadow, agasaimaha cafimadka Gobolka Dr abdulahi Hassan “Dr. Nuune”,Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag Ciise Guure,guudomiyaha suuqa bakaaraha Xasan Mire iyo gudoomiyaha qeybta daawada Axmed Cali Sultaan, Dr Mohamed Abdi Rahman oo ka socdo zamzam Egyptian hospital iyo Dr Ridwaan Maxamed Aadan oo ka socda African Development salam hospital iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale waxaa xafladaka qeybgalay agaasimaha guud ee rugta ganacsiga iyo warshada Soomaliyeed Abdi Abshir Dhoore iyo iyo mary sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.

Mas’uuliyiintii ka hadashay xafladda ayaa dhamaantood muujiyay baahida loo qabo in l ahelo dad leh aqoonta casriga ah ee dawada, waxeeyna ku booriyeen ardayda iney ku dadaalaan waxbarashada si ay uga faa’iideeyaan ummadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha degmada Howladaag Ciise Guure oo munaaabadda ka jeediyay hadal kooban ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay iney dalka usoo baxaan arday baratay cilmiga dawada, isagoo ku dhiirigeliyay iney sii kordhiyaan dadaalkooda waxbarasho.

vlcsnap-2016-01-09-13h54m56s39vlcsnap-2016-01-09-13h55m11s196vlcsnap-2016-01-09-13h55m26s110vlcsnap-2016-01-09-13h55m57s163vlcsnap-2016-01-09-13h56m18s120vlcsnap-2016-01-09-13h56m28s213

7d69c841-eede-4e83-a42d-1eeccb7bb1209d92944e-b22b-4236-9a85-f8f66ea48f2e66f29b7d-e63f-44fd-87bd-40220d324ebe

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS