Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka oo ku sugan Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Dalkaasi.

Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Dhammaan Ardeyda Waxbarashada kuguda jira waxa uu kula dar-daarmay in ay xoojiyaan Dadaalkooda.

Dhanka kale wasiir Odawaa ayaa Umahad celiyay Shacabka iyo Dowladda Suudaan Howsha ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah Soo dhaweynta Ardeyda Soomaaliyeed ee dalkaas wax ka barta.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa la dar-daarmay Ardeyda iyo Aqoonyahannada Isagoo u sheegay in dalku uu Sugayo.

“Aqoonyahannada waxaa sugaya Dadkooda iyo dalkooda waxaana ka codsanayaa in ay xoojiyaan dadaalkooda dhanka Tacliinta” Ayuu yiri Odawaa

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar.