Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay xuska sanad guurada 2aad ee uu xilka hayo Cabdiweli Gaas “SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Saturday January 09, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeybgalay xuska sanadkii labaad ee uu xilka hayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasi o ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah, maamulka Puntland iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda xuska sannad-guurada labaad waxaa kaloo qayb-galay Ra’iisul-wasaarayaashii hore ee dalka Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheekh Axmed, siyaasiyiin, Ganacsato, Isimo iyo Marti sharaf kale, waxaana intii munaasabaddu socotey lagu soo bandhigay Heeso iyo Riwaayado wacyigelin ah oo ku saabsan mustaqbalka dalka Soomaaliya gaar ahaan horumarada kala duwan ee Puntland ka samaysay dhinacyada kaabayaasha dhaqaala iyo siyaasadda.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland oo caawa labo sano jirsatey ay ku tallaabsatay labadii sano ee ay soo shaqaynaysey guulo la taabankaro hadday ahaan lahay dhinacyada kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda intaba.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad taariikhi ah kajeediyey madasha ayaa ku dheeraaday sooyaalk Puntland iyo doorkii ay kaciyaartay siyaasadda iyo dhinacyada kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku ammaanay midnimada iyo isku duubnida shacabka Puntland, taaso ah mid mudan in ay kaga daydaan maamulada kale ee dalka kajira, isagoo tilmaamay in ay muhim tahay in la tixgeliyo aragtida shacabka Puntland ee ku aadan doorashooyin lafilayo dalka inay ka qabsoomaan.
Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar
NO COMMENTS