Guddiga waalidiinta Caabudwaaq oo baaq u jeediyay mamulka waxbarashada Degmada “SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Friday January 08, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Kulan looga hadlayay tayada Waxbarashada Degmada oo ay soo qaban qaabiyeen guddi ay ku bahoobeen Waalidiinta Degmada ayaa looga hadlay heerka waxbarashada, iyagoo dhinaca kalena cabasho ka muujiyay qilaaf maalmihii u dambeeyay ka dhex jiray maamulka waxbarashada degmada Caabudwaaq.
Kulankani ayaa waxaa goob joog ku ahaa oo ku wehliyay Waalidiinta Qaybaha Bulshada iyo Barayaasha Dugsiyada waxbarashada Degmada Xubno ka socday.
Sheekh Liibaan Xaaji Maxamed oo kamid ah xubnihii Guddiga waalidiinta ee kulan kaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay hay’adaha ku shaqada leh in la tayeeyo waxbarashada Degmada oo ay ka midoobaan khilaafka dhexdooda ka jira, waxaana dhinaca kale uu xusay oo uu ka mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee ay siiyo bahda waxbarashada degmada Wasaaradda waxbarashada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar
NO COMMENTS