Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka soo degay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo maalinta beri si rasmi ah magaalada uga furi doona garoon diyaaradeed oo cusub oo caalami ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Gaas, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, maamulka Puntland, iyo shacabka magaalada Boosaaso.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Boosaaso oo furitaanka garoonka ka sokow, uu ka qeybgeli doono munaasabadda lagu xusayo sannad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii Madaxweyne Gaas loo doortey jagada madaxtinimada maamulka Puntland.

“Hirgelinta garoonkan casriga ah waa guul u soo hoyatey Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan shacabka reer Puntland. Waa wax lagu farxo in Boosaaso oo ah magaalo ganacsi oo xeebta ku taalla ay ku tallaabsato horumarkan weyn oo wax ka tari doona dhaqaalaha Soomaaliya. Waxaan bogaadinayaa hoggaanka maamulka Puntland hawsha wanaagsan ee ay hayaan ee dhinaca horumarka, waxaana si gaar ah hambalyo ugu dirayaa Madaxweyne Gaas oo u dabaal-degaya sannad guuradii 1-aad tan iyo markii uu xilka qabtey’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in inta uu joogo Boosaaso, uu sidoo kale ka qeybgeli doono kulamo wadatashi oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhiska qaranka

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar