Madaxweynaha iyo RW Oo Amray in Degdeg Loo Joojiyo Dagaallada Beelaha ee Socda

  Tuesday December 15, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamey dagaallada soo noqnoqday ee ka socda qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfuurta Soomaaliya.

“Soomaaliya nabad ayay u ooman tahay, mana jirto sabab shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in deg-deg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay ogaadaan in lala xisaabtamayo’’.

Madaxweynaha ayaa farey ciidammada dowladda iyo maamulka Koonfuur Galbeed Soomaaliya oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, isaga oo ku hadlaya magaca Xukuumadda ayuu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay kooxaha uu khilaafku u dhexeeyo inay si degdeg ah u joojiyaan xabada ayna wadahadal iyo walaalnimo ku xalliyaan khilaafkooda.

“Waa nasiib-darro in degmada Beledweyne ay dagaallo sokeeyo ka dhacaan waqtigan oo dadka Soomaaliyeed ay ka tashanayso mustaqbalkooda, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaaladaas, lana qaataa nabadda”.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo aad uga xun, waxa uu baaq xabad joojin ah u diray dhinacyada ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay dagaaladaasi soo noqnoqday oo ay ku dhimanayaan dhalinyaro Soomaaliyeed.

“Dagaalkan waa mid aan loo dulqaadin karin, waana mid fursad siinaya dhammaan inta diiddan nabadda iyo horumarka deegaanka, cid walba oo arrintaa ku lug yeelatana waxaa laga qaadayaa tallaabada ku haboon. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad”. ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS