Turkiga oo saldhig militiri ka sameynaya Soomaaliya – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Friday January 08, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Turkiga ayaa bilaabay dhismaha saldhiga militiri oo uu ku yeelanayo Soomaaliya taas oo qeyb ka ah balan qaadkii oo horey u sameeyay kaas oo ahaa in uu dowladda Soomaaliya ka taageeri doono dhismaha iyo tayaynta ciidanka qalabka sida ee dalka, sida laga soo xigtay diblomaasi sare oo Turkiga ah.

Wasaaradda arimaha dibadda Turkiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in qorshahan lagu dhisayo saldhiga militiri uu qeyb ka yahay heshiiskii u dhaxeeyay labada dowladood oo ahaa iskaashiga dhanka militiriga ah, waxaana la rajaynayaa in askarta Soomaaliyeed ay tababaro siin doonaan saraakiisha Turkiga gudaha dalka.

” Tani waa xarunta militiri oo ah mid muhiim ah, siin doonatana tababaro guud ahaan qaaradda oo dhan (Afrika),” waxaa sidaasi sheegay Emel Tekin, oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda.

Turkiga sidoo kale waxaa uu Soomaaliya ka hirgelin doonaa Iskuul militiri oo wax lagu bari doono dhamaan saraakiisha iyo dableyda ciidanka Soomaaliya.

Tekin ayaa sheegtay, markii ay booqashada ku imaanaysay Soomaaliya in ay garowsatay in askarta Soomaaliyeed ay xiran yihiin noocyo kala duwan oo tootaha dharka ciidanka iyo kabaha oo sidoo kale ay ku deeqeen wadamo badan oo u badan kuwo Khaliijka iyo miwoga Yurub.

Emel Tekin ayaa sidoo kale sheegtay in hirgelinta saldhigan militiri u jeedkiisu yahay sidii loo heli lahaa qaab nidaam oo ay yeeshan ciidanka Soomaaliya, iyadoo dowladda Turkiga ay hormuud ka tahay arintaasi.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku caawisay $400 million oo gargaar ah sanadahan dambe sida laga soo xigtay wasaaaradda arimaha dibadda dalkaasi.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS