Jaamacadda Hormuud oo maanta xaflad qalin jabin ah sameysay-Sawirro – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Thursday January 07, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Munaasadan oo loo qabtay arday dhameysatay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Hormuud ee magadalada Muqdisho, kuwaas oo iskugu jiray kuwa dhameystay shahaada koowaad ee jamacada ( Bachelor degree) iyo kuwa dhameystay waxbarashada sare ee Master-ka ayaa maanta lagu qabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday wasaarada waxbarashada dalka ,wasaarada haweenka,gudoomiyaal degmo,maamulka jaamacada Hormuud,maamulka jaamacada Lincoln arday iyo marti sharaf kale.

Jamacaada Lincoln ee fadhigeedu yahay dalka Malaysia ayaa jaamacadda Hormuud ka gacan ka siisay fududeynta waxbarashada sare ee Master degree, gudoomiyaha jaamacadaasi Dr Amina Bube, oo xaflada ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxda iyo ardayda jaamacadaasi ka aflaxay,isagoo sidoo kale tilmaamay jaamacada Lincoln ay sii wadi doonto iskaashiga ka dhaxeeya labada jaamacadood.

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka jaamacada Lincoln Malaysia waxaan ku farax sanahay inaan ka soo qeybgalo munaasabada qalin jabinta ah, waa guul aad gaarteen waa idiin hambalyeenaa, waxaan idiin leeyahay howshaan sii wada ma dhamaan cilmiga. anaga waxaan ku dadaali doonaa inaan sii wadno howsha darasada sare,” ayuu yiri Dr Bube.

Gudoomiyaha jaamacada, Hormuud Aadan Shidane Guuleed, oo goobta hadal koban ka jeediyay ayaa isna bogaadiya arday qalin jabiyay,ka maamul ahaana sheegay in ay sii wadi doonaan sara u qadista tacliinta.

“Runtii farxad weyn ayay ii tahay inaan arko tiradaan oo jaamacad Hormuud ka soo baxday, waana wada jamiciyiin, guul ayaa idiin rajeynaa siina wada, ka maamul ahaan waxaa sii balaarin doonaa dhanka kuliyadaha inta badan waxaan ku dadaalnaa inaan soo saanro arday tayeesan,” ayuu sheegay Shidane.

Agaasimaha manaahijta ee wasaarada waxbarashada, mudane Muuse Faarax Haybad, ayaa maamulka jaamacada Hormuud ku ugu baaqay inay kuliyadaha ay bixiyaan ku soo daraan kuliyada macalimiinta,oo uu tilmaamay inay muhiim tahay.

“Aniga waxaan si gaar ah uga codsanaa maamulka jaamaada Hormuud inay kuliyadaha ay bixiyaan ku soo daraan kuliyada macalimiinta oo aan is leeyahay waa muhiim, dhinaca kale waxaan bogaadinaa maamulka sare ee jamacada” ayuu yiri agaasime Haybad.

Jaamacada Hormuud, waxaay ka mid tahay jaamacdaha burburkii ka dib dalka la hirgeliyay, waxaana la yagleelay sanadii 2010-ka, ardaydaana waa dufcadii labaad ee ka aflaxa jaamacadda.

Sequence 06.Still002Sequence 06.Still003Sequence 06.Still004Sequence 06.Still005Sequence 06.Still006Sequence 06.Still007Sequence 06.Still008Sequence 06.Still009Sequence 06.Still010Sequence 06.Still011

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS