Wefdig uu hogaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) uuna kamid yahay wefdigiisa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa goor dhoweyd waxaa ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha, ayaa wefdigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay maamulka Ahlusuna ee gacanta ku haya magaaladaasi iyo qeybaha bulshada ee halkaasi ku dhaqan.

Socdaalka guddoomiyaha Baarlamaanka uu maanta ku tagay Dhuusamareeb ayaa la xiriira xal u raadinta khilaafka ka dhaxeeya Ahlusuna iyo maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa dafarkiisa waxaa ku wehliya ilaa 25 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo guddoomiyaha iyo mas’uuliyinta kale ee la socota ay kulan la yeelan doonaan madaxda Ahlusuna eemagaaladaasi maamusha.

Wixii warar ah ee socdaalka guddoomiyaha ku soo kordha halkan ayaad kala socon doonaan insha’alah.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar