Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo ka qayb qalay xeritaanka tartan loo qabtay ardayda City University.SAWIRRO – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Thursday January 07, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Munaasabada lagu soo gebo gebaynayay tartanka isdhexgalka ardayda jaamacadda City ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana kasoo qayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux , guddoomiyaha jaamacadda City Pro: Cadbulahi Axmed Bariise, Guddoomiye Ku xigeenka Jamacadda Pro Cabdikariin Xasan Jaamac, madaxda Shaqaalaha iyo arimaha Ardayda jamacadda iyo marti shara kale.

Tartankan uu soo qaban qaabiyay xafiiska arimaha ardayda ee jaamadda City ayaa soo bilowday 22 Oktoobar 2015, waxaana ka qayb galay 16 koox oo 15 koox ay ardayda jaamacadda yihiin iyo 1 koox oo ka socotay dugsisare Badde oo hoostaga jamaacda City ,waxaana fiinaalka isugu soo baxay intermediate iyo Upper intermediate waxaana kadib bandhig cayaareed wanaagsan 1-0 guusha ku raacday Upper intermediate .

Marki ay cayaarta soo idlaatay waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Jamaaca City Pro: Cadbulahi Axmed Bariise, waxuuna sheegay in tartanka uu socday muddo 3bil ah , seddex bil ay arday aan is aqoon oo meelo kale gedisan ka yimid ay maanta saaxiibo yihiin taasna ay tahay ujeedka tartanka ay jaamacadda u qabaty isla markaana uu miro dhal u noqday.

Pro: Cadbulahi Axmed Bariise ayaa intaa ku daray in ay tartankan joogtayn donaan kuna fidin doonaan jaamacaddaha kale si loo qabto tartanka jaamacadaha taasina ay tahay qorshaha Jaamacadda City ay uga qayb qaadanayso is dhexgalka iyo is fahamka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay tartankana soo xeray Wasiirka dhalinyara iyo isboortiga Cabdullaahi Xasan Nuux, waxuuna sheegay in tartanka uu yahay kii ugu horeeyayay ay Jaamacad qabato uu kasoo qayb galo isla markaana uu ku qancay hanaanka tartanka loo soo abaabulay.

Wasiir Nuux ayaa maamulka Jaamacadda uga mahad celiyay dadaalka ay uga qayb qaadanayaan Horumarinta dhalinyara Soomaaliyeed mid waxbarasho iyo mid isboorti intaba, waxuuna jaamacadaha kale ee kajira dalka kula dardaarmay in ay u istaagaan dhiira gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaahalkaas lagu bixiyay abaalmarinadi kaalmahii lagu guulaystay waxaana koob lagu gudoonsiiyay kooxa Upper intermediate oo koobkan hanatay.

City University ayaa la aasaasay sanadii 2012 waxayna mudada ay jirtay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta iyo dhiira gelinta dhalinyara Soomaaliyeed , waxaana wax qabadkeeda ka mid ah taaba gelinta tartanka aqooneed ay idaacada Goobjoog iska kaashadeen kaasoo ka qayb qaateen 58 iskuul oo dugsi sare ah kuna yaala gobolka Banaadir iyo tartamo isboorti oo ay qabteen

ugu dambeyn waxaa halkaas lagu bixiyay abaalmarinadi tartanka iyadoo Wasir Nuux koobka Guddoonsiiyay kooxda Upper intermediate oo noqotay horyaalka ardayda 2015.

DSC_0187

city boor sport (1)wasiirka salamaya (1)

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS