Horumarro Dhinaca Bulshada oo ka socda Deyniille – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Guddoomiyaha Degmada Deyniille ee Gobolka Banaadir Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa Tilmaamay in Ammaanka degmada uu Yahay mid Aad u wanaagsan, ayna ku timid Arrintaan wada Shaqeynta Maamulka iyo Dadweynaha Deyniile.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Horumarka dagmada ka jira aanu iman leheen haddii Bulshada iyo Maamulku Aanay wada shaqeyn leheen.

“Waxaan qabanaynaa Tartamo Cayaaraha nuucyadooda kala duwan kuwaas oo Aan kaga Gol leenahay in Bulshada ay is dhexgalaan sida loo helo Bulsho is barata Dhinaca ammaanka Hadda waa Mid aad u Hagaagsan hay’adaha Amniguna wax ay sameeyaan Howlgallo is daba Joog ah” Ayuu Yiri Guddoomiye Axmed Nuur Cabdi Siyaad.

Dagmadda Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa ka mid ah Dagmooyinka Hadda Sida Aad ka ah looga dareemayo Horumarka Dinacyada Bulshada.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS