Jeneraal Saneey “Deegaanka Warmaxan ciidanka XDS ayaa gacanta ku haya” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 04, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Taliyaha guutada 12-ka April ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamuud Maxamed Saneey oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howgallo ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degeenka Warmaxan ee Goboolka Shabeelaha Hoose ay halkaasi kaga eryeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo xalay si dhuumaaleysi ah weeraro gaadmo ah ugu soo qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidanka.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ay joogteyn doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago falallka ay maleegayaan dhagar qabayaasha.

Jeneraal Maxamuud Maxamed Saneey Taliyaha guutada 12-ka April ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Warmaxan, waxaana uu intaa ku daray in dadka buun buuninaya wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah amniga laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Abaabaro 11:30 ee saaka ayay maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen fariisin ciidanka xoogga dalka ay ku sugnaayeen, nasiib wanaag ciidanka xoogga dalka waa ay iska difaaceen, hadana waxaa gacanta ku haya ciidanka xoogga, waana been wararka sheegaya in Warmaxan ay Shabaabku heystaan, xilligan aniga ayaa ku sugan” ayuu yiri Taliyaha 12-ka April oo hadalkiisa ku daray in dhankooda ay dagaalka uga dhinteen saddex askari, halka Shabaabka ay ka dileen tiro intaa ka badan, balse ay kula carareen gaadiid ay wateen.

waxaa soodiyaariyey wariyey c.qaadir jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS