Wiil da’yar oo farsamayaqaan ah oo loo sameeyay kulan dhiiri gelin ah “SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 04, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenkaCabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiya Baarlamaan Axmed Cali Xaashi ayaa maanta waxay dhiiri gelin u sameeyeen wiil da’yar oo farsamayaqaan ah booqasho lagu keenay Madaxtooyada Puntland.

Guuleed Aadan Cabdi waa wiil da’yar oo jira 13-sanno oo dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga, waxa uu ku dhashay Degmada Buuhoodle halkaas oo uu wax-barashadiisa kasii wato.

Guuleed waxaa uu Madaxda Dowlad goboleedka Puntland hortooda kusoo bandhigay gawaari, iyo Diyaarado uu isagu iktiraacay oo maskaxdiisa ka keenay, Gawaarida ayaa isugu jira nooca Xammuulka qaada ee loo yaqaan Waaraadka, Bajaaj, Iska-rogaha ciidda iyo dhagaxa gurta, iyo Diyaarad.

Sidoo kale gaadiidkan uu guuleed sameeyey waxa u dhammaystirnaa dhammaan agabkii looga baahnaa hadday ahaan lahayd Taayirada, kuraastii, indhihii ama laydhadhkii, dhigihii alaabta lagu xirilaha, codkii ama hoonkii, iyo dhammaan wixii uu gaadhi u baahnaa.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi kadib waxaa uu ugu horrayn ilaahay uga baryey cimrigiisa inuu u barakeeyo, aqoontiisana uu usii siyaadiyo, waxaana uu ku tilmaamay arrintani inay tahay mid layaab badan marka loo eego wiilka da’diisa iyo maskaxdiisa.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhiiri geliyey Guuleed inuu dedaalo wax-barashadiisana uu ka miradhaliyo oo aanu joojin hal-abuurkiisa iyo hirgelinta fikradaha cusub ee ka dhex guuxaya maskaxdiisa.

IMG_2022IMG_2032IMG_2047IMG_2050IMG_2052IMG_2056IMG_2064IMG_2070IMG_2074IMG_2076IMG_2080IMG_2083IMG_2084IMG_2090IMG_2093IMG_2094IMG_2097IMG_2106IMG_2114IMG_2118IMG_2130WAXAA SOO DIYEERIYEY WARIYE C.QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS