Golaha wasiirrada oo ansixiyay sharciga xanaanada xoolaha

  Thursday December 24, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodi caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaana shir gudoominayay R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Afhayeenka xukuumadda oo shirka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka gobolaha wasiirrada maanta warbixin looga dhageeystay wasiirka arrimaha gudaha Mudane C/raxmaan Maxamed Odawaa oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha ee booqashada ku tagay Beledweyne.

Wasiir Odawaa ayaa xusay in safarkii uu madaxweynuhu ku tagay Beledweyne laga gaaray guulo waaweeyn iyo isfaham, isagoo dhinaca kale tilmaamay in heshiis buuxa laga gaaray dagaal beeleedyo ka dhacay Beledweyne.

Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay sharciga xanaanada xoolaha oo ay soo bandhigtay wasaaradda xanaanada xoolaha, kaasoo mudnaan gaar ah u leh xaanaaneynta xoolaha, iyo iib geyntoodaba.

Dhinaca kale golaha wasiirrada ayaa aqbalay in Soomaaliya ay xubin ka noqota hey’adda Islaamiga ah ee horumarinta dhaqaalaha ee loo yaqaano ICD, waxa ayna hey’adaasi hoos tagtaa bangiga horumarinta Islaamka.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay heshiiska tayo dhowrka Qaranka oo ay soo gudbisay wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha, waxaana tayo dhowr lagu sameyn doonaa dhameen badeecadaha dibadda laga keeno.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS