Baarlamaanka oo guda galaya akhrinta 3aad ee sharciga been xalaaleynta

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Golaha Shacabka ayaa guda galaya akhrinta saddexaad sharciga been xalaaleynta.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud Habdhowraha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta baarlamaanka ay guda geli doonaan hindise sharciyeedka been xalaaleynta.

“Waxaa ku jira kulanka baarlamaanka, sida aad ka warqabtaan marka hindise sharciyeed baarlamaanka la horkeeno, waxa uu soo maraa marxalado kala duwan oo akhrinta ah, ajandaha kulanka maanta waxa uu yahay in la guda galo akhrinta saddexaad ee sharciga been xalaaleynta ay soo diyaariyeen Guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Xildhibaanka ayaa xusay in sharciga saxaafadda uu sidoo kale mari doono akhrinta saddexaad, kaasi oo uu sheegay in goor dhaw baarlamaanak la horgeeyn doono.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS