Hay’ada Xuquuqda aadanaha oo ku Eedeysay Militariga Nageria in ay Xasuuq gaysteen

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Hay’ada Xuquuqda aadanaha oo ku Eedeysay Militariga Nageria in ay Xasuuq gaysteen

Hay’adda u dooda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay Militariga dalka Nageria in ay xasuuqeen dad shacab ah,

War qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay ayeey ku sheegtay in dadka ay Militarigu dileen ay ahaayeen dad Shiica ah oo lagu laayay waqooyiga Nageria kuwaas oo waliba u baddnaa Caruur yar yar oo aan hubaysnayn kadib markii sida ay sheegtay ay rasaas la dheceen Ciidamada Militariga dalkaas.

Hadalka hay’adda Human Rights Watch ee xuquuqda aadanaha ayaa yimid maalma kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya hawgalo ay Ciidanka militariga fuliyeen in lagu bartilmaameedsaday Shiicada laga tirade badan yahay ee dalkaasi ku nool.

Saraakiil u hadashay Militariga dalkaasi ayaa iyaguna war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay baaritaano ku samayn doonaan warbixinada ay soo saartay hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch taas oo la xiriirta dilka ay Ciidanku gaysteen.

Nigeria ciidankeeda ayaa mudaba la dagaalamayay kooxda Boko xaram waqooyiga bari ee dalkaasi taas oo loo malaynayo in qayb ahaan ay saamaysay dadka Shiicada ah ee ay hay’addu sheegtay in lagu laayay dalka Nigeria.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS