Kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

  Saturday December 19, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, culimaa’udiin, saraakiil ka socotay ciidamada xoogga dalka, xubno ka kala socday qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda iyo haween kaa oo looga hadlayey sidii dhaqan gelin iyo wacyi gelinba looga sameyn lahaa axdiga xuquuqda carruurta si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan xuquuqdooda.

Faadumo Maxamed Cali agaasimaha waaxda Haweenka iyo Carruurta ee Wasaaradda Haweenka iyo xuuqda aadanaha oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in bulshada looga baahanyahay in la hirgeliyo heshiiska carruurta, waxayna ku baaqday in qoys kasta oo Soomaali ah u xanaaneeyo mid ka mid ah carruurta ku dayacan wadooyinka magaalada Muqdisho si loo waayo carruur dhibaateysan

Sido kale Canab Xasan Cilmi guddoomiye ku-xigeenka ururka Haweenka Qaranka aya xustay in ay lagama maarmaan tahay in la hirgeliyo heshiiskan ku saleysan xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, isla markaana carruurta laga ilaaliyo waxyaabaha qatarta naftooda ku keeni kara.

Ugu dameynti Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar aya sheegtay in ahmiyadda kulankani u yahay dhaqan gelinta sharciga carruurta, waxaana ay Wasiirku xustay in ay waajib tahay daryeelka carruurta Soomaaliyeed si lo helo jiil dhan kasta ka bad qaba.

Horaanti sanadkan ayuu Mahadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u saxiixay heshiista ku saleysan dhowrista xaquuqda carruurta, iyadoo Wasaaradda Haweenka ay dadaal ugu jirto dhaqan galka heshiiskaasi carruurta.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS