Wasiir Odowaa: Kulamadii Madaxweynaha ee B/weyne guul ayey ku soo dhamaadeen

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Fedaraalka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xuseen Odowaa oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda ee Sadaxdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada B/weyne ayaa sheegay in guul iyo is afgarad uu ku soo gabagaboobay socdaalkii Madaxweynaha ee gobolkaasi,

Waxaanu shir jaraa’id uu ku qabtay magaaladaasi ka hor inta uusan soo ambabixin uu wasiirku ku sheegay in kulamo kala duwan oo ay la yeesheen Odayaasha iyo waxgaraddka qabaa’ilada ku nool magaaladaasi ay isku afgarteen in la guda galo dhismaha maamulka loo samaynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe,

Kaas oo wada hadalkiisu ka furmi doono Magaalada Jowhar ee gobolka shabeelada Dhexe, qaybihii bulshada ee ay la soo kulmeena lagu balamay in la isugu yimaado magaalada Jowhar si hawsha loo dadajiyo,

Waxaanu intaasi ku daray wasiir Odowaa, in la isla aqbalay Degreetadii uu ku soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in Caasimadda Maamulka la dhisi doono ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay noqoto Degmada Buulabarde ee gobolka hiiraan, shirkana Jowhar lagu qaban doono.

Mudane C/raxmaan Max’ed Xuseen Odowaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, ayaa dhanka kale sheegay in socdaalkii madaxweynaha ee B/weyne uu sidoo kale qayb ka ahaa xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay maalma ka hor magaaladaasi B/weyne,

Waxaanu sheegay in lagu guulaystay xalinta dagaaladaasi, qaybihii dagaalamayna ay wada aqbaleen xalinta wixii dhacay iyo in aaney dib u soo laaban, iyadoo ugu dambayn wafdiga Madaxweynaha isla maanta gilinkii dambe ay dib ugu soo laabteen Caasimadda Muqdisho kadib socdaal qaatay laba Habeen iyo Sadax maalin oo ay ku sugnaayeen magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS