Madaxweynaha KGS iyo Wafdi Uu Hogaaminayo oo Gaaray Degmada Diinsoor

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasoo dhoor bilood ka hor laga saaray Kooxda Xarakada Alshabaab .
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, xildhibaano Odayaal Dhaqameed iyo saraakiil ciidan koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la filayaa inuu la kulmo Saraakiisha ciidamada dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, AMISOM, Maamulka Degmada Diinsoor iyo Waxgaradka Magaalada. Isagoona uu kala hadli doonaa Xaaladda Bani Aadanimo ee ka jirta degmada Diinsoor iyo in gar-gaar la gaarsiiyo, isagoona tababar u soo xiri doono Ciidamo mudo Tababar ugu socodey Gudaha Degmada Diinsoor.
Ammaanka degmada Diinsoor ayaa Maanta si aad ah loo adkeeyay, waxaana Madaxweyne shariif Xasan Sheeikh Aadan ammaankiisa sugaya Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo Kuwa Midowga Africa Amisom
Booqashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Degmada Diinsoor ayaa noqoneysa tii labaad ee uu ku tago, kadib markii magaaladaasi ay la wareegeen Ciidamada dowladda KGS oo taagyeero ka helayaan kuwo AMISOM iyo kooxda Al-ShabaabWaxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS