Qoxootiga Yurub galay Sanadkan oo lagu qiyaasay inka badan hal Milyan oo qof

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IMO) ayaa sheegtay in Sanadkaan oo kaliya ay kor u dhaafayaan qoxootiga Yurub soo galay hal milyan oo qof kuwaas oo ka kala yimid dalal Africa iyo Barriga dhexe, waana markii ugu horaysay tan iyo dagaalkii labaad ee Dunida

Hay’adda ayaasheegtay in qoxootigaan ay badankooda ka soo carareen dalalka ay colaaduhu ka jiraan sida Syria oo kale oo la sheegay in tirade ugu badan ay gashay Shantii sano ee ay dagaaladu ka socdeen,

Waxaana laba meelood dadkaasi meel ka mid ah ay yihiin Syria, halka dalalka Afganistan iyo Ciraaq ay soo labeeyaan Syria kuwaas oo iyana ay Colaado ka taagan yihiin.

Qaxootigan ayaa ku qul-qulay dalalka Greece, Bulgaria, Italy, Spain, Malta iyo Cyprus sanadkan, ayada oo 800,000 oo dadkaas ka mid ah ay dhinaca badda ku gaareen dalka Greece.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa sheegay in 3,600 oo qof ay ku geeriyoodeen ama lagu waayey badda meditareeniyaanka, ayada oo isku dayaya inay kasoo gudbaan waqooyiga Afrika una gudbaan Talyaaniga.

IOM waxa ay sheegtay in wax ka yar 35,000 oo muhaajiriin ama qiyaastii 3% ay dhinaca dhulka ee dalalka Turkey iyo Bulgaria uga gudbeen dalka Greece.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS