Guddoomiyaha gobolka “Annagu dad Islaam ah ayaan nahay, cid xusi karta ma jirto cidda Kirismaska” Dhageyso

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta ka digay in la xuso ciidda kirismaskta, iyadoo ciddi lagu hela ay sheegeen in sharciga lala tiigsan doono.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay shir ku saabsan xoojinta wacyigelinta bulshada ayaa tilmaamay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aan lagu qaban Karin xuska ciidda Kirismaska, waxaaana uu ka digay in ciddii lagu hela laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Annagu dad Islaam ah ayaan nahay, ciidaha Islaamka waan naqaan, ciidaha aan leenahay ayaan ilaashaneynaa, marka ciidaha kale cidda iska leh ayay u taala, waayo kirismaska anagu ma aqoonsanin, waxaan rabnaa in aan lagu xadgudbin waxyaabaha diinteena iyo caqiidadeena wax u dhimaya” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka oo hadalkiisa ku daray “Marka aan dadnimadeena ilaalino, oo aan diinteena Ilaalino, oo aan dowladnimadeena ilaalino ayaa karaamadeena soo noqoneysaa, laakiin haddii aan intaas ka leexano karaamadeena way lumeysaa”.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka ayaa shacabka ka codsaday mar uu ka hadlayay dhanka wacyigelinta in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay mas’uuliyad iska saaraan dib u soo celinta bilicdii ay lahayd caasimadda oo ay ka shaqeeyaan nadaafada magaalada.

Halkan ka dhageyso Khudbada duqa magaalada Muqdisho

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS