Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo gaaray Jowhar

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka kalluumeesiga iyo kheyraadka badda ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga Wasiirka kalluumaysiga waxa ay isugu jiraan Wasiirro, Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Filand, Agaasimah guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Ceymooy ayaa sheegay in u jeedkooda uu yahay in deeq dawo ah oo ka timid Dowladda Filand lagu wareejiyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Dadka Dagan Magaalada Jowhar Aadbey inoo soo dhaweeyeen maamul iyo Shacab inooma kala harin waana ku ammaanayaa, waxaan qalabkaan aan waddno ee Cafimaadka ku wareejinaynaa Maamulka Gobolka” Ayuu yiri Wasiirka Ceymooy.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS