Dhageeyso Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku baaqay in la dhiso xaruntii agoonta booliska

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo caawa ka qeyb galay munaasabadda lagu weynayay sanadguurada 72aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la dhiso xaruntii agoonta booliska.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ka qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidanka booliska, mas’uuliyiin ka socday maamul goboleedyada dalka ka jira iyo marti sharaf kale ayaa caawa lagu qabtay dugsiga sare tababbarka ciidanka booliska Jeneraal kaahiye ee magaalada Muqdisho

Madasha ay xafladda ka socotay waxaa kaalimo suugaaneed oo u badan waxqabadka ciidanka booliska ku soo bandhigay fanaaniinta kooxda Heegan ee ciidanka booliska iyo fanaaniin kale oo ka socotay Dowladgoboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

Taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay sanadkan ciidanka booliska, waxaana

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdiraaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ku aadan in la mideeyo ciidanka booliska ee heer maamul goboleed iyo heer Federaal, si ay u noqdaan kuwa ka wada qeyb qaata sugidda amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali sharma’arke oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in Xukuumadda ay diyaarisaneyso siyaasad Qaran oo ku saabsan amniga dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo soo xiray munaasabaddii lagu xusayay 72 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa ka dalbaday Xukuumadda in si deg deg ah u dhisaan xaruntii lagu xanaaneyn jiray agoonta booliska, si sare loogu qaado moraalka ciidanka hada shaqeynaya ee booliska, isagoo ciidanka booliska u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS