Dhallinyaro u istaagay sidii wax loogu qaban lahaa naafada Xoogga dalka ee Martini

  Saturday December 19, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Fanaanka Farxaan Muuse Cige (Farxaan xidig) oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan ayaa sheegay in isaga iyo koox kale oo ka tirsan dhalinyaro ku nool dibadda ay wadaan taburacaad ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa ciidanka naafada xooga dalka ee ku jira isbitaalka Martini, xariga fanaanad caan ah oo ku jirta xabsi ku yaala dalka Turkiga iyo dadka kale ee gudaha dalka ku tabaaleysan.

Farxaan xidig oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka ay mashruucan uruurrinta kaalmada dhaqaale ay tahay sidii ay ilgaar ah ugu eegi lahaayeen xaaladaha ay ku noolyihiin ciidanka naafada Martini, waxaana uu intaa ku daray in dhalinyarada howshan wada ay kala joogaan dalalka Mareykanka, Canada iyo inta badan kuwa ku nool Qaaradda Yurub.

Fanaanka oo ka hadlayay xariga fanaanadda Qamar Cabdullaahi Harawo oo ka mid ah fanaaniinta Hobollada Waaberi ayaa sheegay in lagu qabtay kiis aysan shaqo ku lahayn oo uu sheegay inay tahay mid lagu shirqoolay, laguna xakumay afar sano oo xarig ah, waxaana uu madaxda dowladda ka codsaday in xabsiga laga sii daayo fanaanadda Qamar, maadaama ay ay Qaranka Soomaaliyeed wax badan u soo qabatay.

Farxaan Muuse Cige (Farxaan xidig) ayaa ugu dambeyn baaq u diray bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan inay isu gurmadaan.

Tallaabadani ay dhalinta Qurbo joogta ah ee ay isu taageen ayaa ah mid looguu gurmanayo dadka tabaaleysan, waxaana fanaanadda Qamar Cabdullaahi Harawo oo ku xiran dalka Turkiga u ololeynaya in la sii daayo dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka dambqaday dhibta ay ku jirto fanaanadda.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS