Shir looga hadlayay xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka oo lagu soo gabagabeyay dalka Jabuuti “SAWIRRO”

  Friday December 18, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Shir looga hadlayay xadugudubyada ka dhanka ah haweenka Qaaradda Afrika ayaa lagu soo gabo gabeeyay dalka Jabuuti.

Shirka oo socday muddo saddex cisho ah ayaa dhanka Soomaaliya waxaa uga qeyb galay Wasiiru dowlaha Difaaca Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda haweenka iyo xuquuqda Aadanah Muunimo Sheekh, wakiilo ka kala socday dowlad goboleedyada dalka ka jira, Maamulada Banaadir, Hiiraan, quburo ka socday dalalka Afrika, Urur goboleedka IGAD, xubno matalayay deeq bixiyaasha caalamka iyo marti sharaf kale.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay xadgudubyada ay haweenka u geysanayaan Al-Shabaab, Boka-Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria iyo Al-qaacidda Maqrib.

ururrada bulshada rayidka gaar ahaan kuwa u dooda xuquuqda Haweenka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka ay Soomaaliya hiigsaneyso, dalkuna kasoo kabanayo colaado sokeeye.

Wasirka Haweenka Jabuuti Xasna Barqad Daa’uud oo xritaanka shirka ka hadashay ayaa sheegtay in ay garab taagantahay dowladda jabuuti horumarinta Hawenka Soomaaliyeed.

Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dowlaha difaaca ee Soomaaliya oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in isbadal wanaagsan uu jiro,. Isla markaana ciidamada la Qarameynayo ay ka hortagi doonaan dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka.

Wasiir ku-xigeenka Hawenka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in horumar weyn ay Soomaaliya ka sameyeen dhanka haweenku, haddana ay rajeynayaan in kor loo qaado qoondada Haweenku ku leeyahay golayaasha sare ee Dowladda

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS