Isbadal Dhinaca Siyaasadda oo ka dhacaya Suuriya

  Wednesday December 16, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dowladaha Maraykanka iyo Ruushka ayaa isla qaatay inay isku aragti ka noqdaan Siyaasadda dalka Suuriya oo ay ku kala aragti duwanaayeen.

Dalka Ruushka ayaa shaaciyay Talaadadii shalay inuu taageersan yahay Arrintaan ah in isku aragti laga noqdo xaaladaha dalka Suuriya oo ay muddo ku kala duwanaayeen Dalalka Maraykanka iyo Ruushka.

Xukuumadda Moscow ayaa soo dhawaysay tallaabada markii saddaxaad ay ku wada kulmayaan iyaga iyo maraykanka, iyadoo jimcaha soo socotana ay labada dal isku Arkidoonaan Magaalada New York halkas oo lagaga doodayo Isbadal Siyaasadeed dalka Suuriya ka Dhaca.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Ruushka iyo Maraykanku ay wada ogolaadeen in la xoojiyo qorshaha lagaga hortagayo argagixisada,iyo la socodka Ururrada argagixisada ee dalka Suuriya.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa tilmaamay wadahadallada jimhacaha kaddib in kooxda Taageerta Suuriya ee ISSG laga doonayo inay soo gudbiso qayb ka mid ah qoraal la Horgayn doono QM Si looga hadlo isbadalka dhinaca siyaasadda ee la doonayo in laga Dhaqan geliyo dalka Suuriya

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS