UNHCR oo ka tacsiyeesay dilka mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu dilay Muqdisho

  Tuesday December 15, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Warsaxaafadeed ay soo saartay Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR ayaa lagu sheegay in ay ka naxeen dilka Aamina Nuur Maxamed oo shalay gelinkii dambe koox hubeysan ay ku dishay magaalada Muqdisho.

“UNHCR waxay ka naxday dilka mid ka mid ah howlwadeenadeeda Aamina Nuur Maxamed oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho”sayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka baxay UNHCR.

UNHCR oo fadhigeedu yahay Geneva ayaa sheegtay in Aamina Maxamed ay dileen kooxo hubeysan oo aan la aqoon, iyadoo wadatay baabuur gaar ah, waxaana lala dilay qof kale oo la socday baabuurka.

Madaxa Hey’adda UNHCR Antonio Guterres, ayaa sheegay dilka Aamina in uu wiiqi karo dedaallada shaqaalaha Qaramada Midoobay ay ka waddo Soomaaliya.

Mr. Guterres ayaa dhinaca kale sheegay in maanta oo Tallaado ah magaalada Geneva ee xarunta Qaramada Midoobay loogu sameen doono kulan baroordiiq ah oo marxuum Aamina Maxamed ku saabsan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo shaqaale ka tirsan QM lagu dilo Soomaaliya, bishii April ee sannadkan ayaa afar ka mid ah shaqaalaha hey’adda UNICEF la dilay kaddib markii qarax loogu xiray baabuur ay la socdeen magaalada Garoowe.

Bishii June sannadkii 2013-ka kooxo hubeysan ayaa weerartay dhismaha QM ee Muqdisho, waxaana ay ku dileen 16-qof.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Aamina, balse waxaa loo aaneynayaa inay ka dambeeyaan Al-Shabaab oo caadeystay dilka dadka wax galka ah.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS