Wasiirka Arrimaha gudaha oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Beledweyne

  Tuesday December 15, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxa ay ka xun tahay isla markaana ay cambaareyneysaa colaadda gacan ka hadalka ah ee ka taagan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, taasoo dhalisay khasaaro isugu jira naf iyo maal oo soo gaaray dad rayid ah, isla markaana sababtay barakac ku yimid dadka shacabka ee deggan magaalada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay labada dhinac ee dirirtu u dhaxeyso ugu baaqeeysaa xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah inay sameeyaan, isla markaana in labada dhinac khillaafkooda ku dhameeystaan wadahadal iyo isku tanaasul.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka oo aad uga xun colaadda kataagan Beledweyne waxa uu xusay in cidina aysan maslaxad u ahayn colaadda taagan, isla markaana aan maanta la joogin waqti ladagaallamo isagoo yiri “Waxaan marnaba la aqbali karin colaada ka taagan magaalada Beledweyne waana wax si aad ah looga murugoodo, waxaan leeyahay kooxaha dagaallamaya lama joogo xilligii dagaalka wax lagu qaadan jiray, isla markaana waxaan ugu baaqayaa iney colaadda si degdeg ah u joojiyaan maadaama aysan jirin wax laga dhaxlayo dagaal oo aan ka ahayn cawaaqib xumo, dib u dhac iyo kala fogaansho kuyimaada bulashada walaalaha ah ee deggan magaalada Beledweyne, isla markaana wuxuu dib u dhac ku keenayaa horumarka ka jira Gobolka Hiiraan iyo dhammaan qeybaha kale ee dalka”.

Ugu danbeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxey ku wargalineysaa dhinacyada ku lugta leh colaadda in lagula xisaabtami doono dhib walba oo soo gaara dadka shacabka ah iyo deegaan kaba.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS