Tilmaamaha Hogaamiyaha Wanaagsan!!
Monday May 12, 2014 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Hordhac
Markaad aragto wadankaaga inuu yahay midka dunida ugu
xun, ama lagu daro sanad walba wadamada dunida ugu faqrisan uguna musuqmaasuqa
badan, marka lagu tilmaamo Ummadd fashilantay (Failed nation) dalkaaga , marka aad aragto dacdarada iyo silica
muwaadinka Soomaaliga ah ku haysata dunida meel walba, marka aad aragto sida
ummadaha kale ay u qoonsadeen dalkaaga uguna soo duuleen oo iyagu taladiisa ay
gooyaan, ayna u kala qaybqaybiyeen maamullo iyo gobollo col isku ah. Waxaad u
taahaysaa hogaamiye badbaadiya dalkaaga iyo dadkaaga
Si joogta ah ilaa burburkii Somalia 1991, waxaa qolo
walba ku caano shubaysay Oday dhaqameed, ama Siyaasi ama Wadaad inuu yeesho
hogaanka qolyahaas, laakiin midna kumaysan aflixin ama waaba yartahay inta
hogaamiye ee xaqiijisay hankii laga lahaa.
Waxaase dhab ah tilmaamihii laga rabay hogaamiyayaashaas
inaysan dhamaystirin amaba aysan dadka talada u igmaday aysan fahmin kadib
markii ay indho tirtay dano sokeeye iyo mid kale oo cudur ka galay dhaqankii oo
ka doorshay wadaniyadii.
Maqaalkan kooban waxaan ku qeexaynaa tilmaamaha laga rabo
hogaamiyaha wanaagsan iyada oo aan ku jirno xilli soomaalida oo dhan ay rabaan
isbadel inay arkaan oo ay horjoogayaal u noqdaan kuwa kasoo saara ceelka dheer
ee ay ku dhacday hashii Maandeeq ahayd .
Eebe weyne wuxuu farayaa kuwa dadka xukuma inay cadaalad
u sameeyaan, wuxuu farayaa inay gutaan amaanadana xaqeeda siiyaan oo cidda u
dhiibatay ugudaan, waxaa suurto gal ah amaanada in loo fahmay baadida lunta ama
lacag yar oo qof kuu dhiibto. Markaasay banaysteen hantidii caamka ahayd
waxayna ka dhigteen mid danahooda khaaska iyo qoysaskooda ay ka xigsadaan inta
kalena kana qidiyaan.
Qeexista
Hoggaamiye
Dad badan ayaa qeexay hogaaminta iyo hogaamiyaha laakiin
aan soo koobno:-
Qaamuuska Af-soomaaliga ee Yaasiin C. Keenadiid wuxuu
hoggaamin iyo hoggaan ku kala micneeyey:
1- Hoggaamin in ay tahay hoggaan-ku-qabasho ama ku wadid
2- Hoggan in uu yahay xarig, inta awrta surka lagaga xiro
oo lagu keeneeyo, laguna wado.
Fasiraadda aqoonyahannada kala duwani ay siiyeen
hoggaaminta marka si guud loo eego waxay si toos ah iyo si dadban u muujiyeen:-
1- Inay tahay geeddi-socod
2- In saamayntu ay tiir-dhexaad u tahay
3- In uu jiro qof wax hogaamiya(hoggaamiye) iyo kuwa la
hoggaamiyo(taageerayaal)
4- In uu jiro xiriir isku xiraya hoggaamiyaha iyo
taageeraha, kaas oo ah hoggaaminta lafteeda, iyo
5- In uu jiro yool la higsanayo oo loo shaqaynayo
gaaritaankiisaQoon hoggaan xun iyo qoys Hooyo xun midna ma
hanaqaado’Cali Axmed Raabeh(Seenyo)
‘Raggii madaxdu ka xumaato waa, marin
habaabaaye’Cismaan Yuusuf Keenadiid
Soomaalidu marka ay doonayaan inay hoggaamiyahooda
dhaqameed ay doortaan waxay ka duulaan, si weynna u tixgeliyaan murtida soo
jireenka ah ee oronaysa “ Tol waxaa u talin kara, nin doofaar cay uga dulqaad
badan oo kurtun qorrax uga adkaysi badan oo dhagax qabow uga adkaysi badan oo
kudkude gaajo uga adkaysi badan”
Muqadimadii Ibnu Khalduun wuxuu ka yiri Tilmaamaha
Khaliifada (Hogaamiyaha) muslimiinta inuu noqdo “ mid saaxiib u ah Cilmi iyo
cadaalad, mid dhamaystiran oo lixdiisa lixaad iyo dareemadiisu ay bad qabaan”
Field
Marshal Montgomery marka uu hogaamiye ka hadlayey wuxuu yiri: “
Hogaamiyuhu waa kan kayeela dadka inay
taageeraan, waana inuu noqdaa mis geesi ah oo leh awooda rabitaan ee uu isbadel
ku samayn karo waana inuu yahay mid haysta kolsoonida taageerayaashiisa, wuxuu
curin karaa fikrado kicinaysa xamaasada dadkiisa wuuna la doodi karaa dadka
isaga oo ku qancin kara fikradahaas wuuna ku kasban karaa qalbigooda iyo
caqligooda, wuxuu darsaa dabeecadaha dadka, wuxuu bartaa fanka iyo xirfadaha
hogaaminta wuuna ku dhaqmaa, ma quusto, waa mid go’aan leh, wuxuu ilaaliyaa
mooralka dadkiisa, wuxuu ka adagyahay naftiisa, wuxuu yaqaanaa sida uu u doorto
raga/haweenka ku haboon shaqoonyinka ay qaban karaan, wuxuu yaqaana
waajibaadkiisa, wuxuu sugaa shaqadiisa, wuxuu daacad u yahay howshiisa, wuxuu
soo saari kara go’aamo ceeb la’aan ah, waa deganyahay oo ma fududa, wuxuu
diyaar u yahay inuu u bareero khatar walba, ugu dambayna waa qof si adag u
haysta kuna dhaqma diintiisa”.
Noocyada
Hogaamiye:
1- Keli Taliye( Dictator)
a. Dad yar ayuu kalsooni ka haystaa (inta danwadaaga ay yihiin)
b. dhaqaale ayuu ku qanciyaa mucaaradkiisa, ama xoog ayuu ku muquuniyaa
c. wuxuu soo saaraa go’aamo uusan cidna kala tashan
d. Lama dhaliili karo, waana amaan jecelyahay
e. Ugu dambayn wuxuu hoojiyaa dadkiisa
2-
Keli taliye wanaagsan (Good dictator)
a. Wuu dhagaystaa dadka
b. Wuxuu iska yeelaa qof dimuqraadi ah
c. Go’aan kiisa ayaa u cad marka ay timaado fulinta
3-
Talowadaag (Democratic)
a. Dadku ayuu lawadaagaa talada
b. Wuxuu ogolyahay in la naqdiyo, loona amaano si caqli
gal ah
c. Waa qof u cudur daaran kara dadkiisa hadii uu khalad
galo ama uu fashilmo
d. Dadkiisa wuxuu la jecelyahay horumarka iyo wanaaga
Khiyaano Guud
Nabigeena Suuban SCW wuxuu yiri “ qofkii loo dhiibo talada muslimiinta,
dabadeedna u doorta mid looga haboonyahay masuuliyada, wuxuu khayaanay ilaahay iyo rasuulkiisa iyo Mu’miniinta”
Dadka doorta madaxda sida baarlamaanada iyo Isimada soo
ma haysato khiyaanada nabigeena ka digay, soo ma aynu aragno
xildhibaano doorashada madaxweynayaasha ku xeeriya qabyaalad ama maslaxad kale.
Tusaale Hogaamiye Wanaagsan
Hogaamiyihii Waynaa (Muxamed SCW)Nabigeena Suuban
SCW, inta uusan Duulaankii Badar qaadin, wuxuu la tashtay Asxaabta wuuna ka
talageliyey duulaanka, Saxaabigii waynaa ee Miqdaad binul Aswad ayaa ku yiri
Nabiga SCW “ku oran mayno sidii Banii Isra’iil ay ku tiri Nabi Muse adiga iyo
Rabigaa orda oo dagaalama anagu waa iska fadhinaynaaye, ee Rasuulka Allow soco
oo na horkac anagana waan kula jirnaaye”.Rasuulka erayadaas wuu ku farxay
wuxuuna asxaabtay amray inay gaalada ku duulaan.
Markii muslimiintu ay tageen ceelkii Badarna, Saxaabi la
oran jiray Xabaab ibnu Mundir ayaa yiri “ Rasuul Allow ma ilaahay ayaa ku amray
inaad goobtaan degto, mise waa dhagar dagaal iyo xeeladiisa. Markaasuu rasuulku
yiri mayee waa dagaal iyo xeeladiisa. Saxiibigii wuxuu talo kusoo jeediyey in
Ceelka Biyaha laga xigsado gaalada oo muslimiintuna ay ka cabaan gaaladana laga
haraadiyo”
Markii gaalada laga qafaashayna 70, wuxuu asxaabta ka
talagaliyey sida laga yeelayo. Abuubakar ayaa soo jeediyey in layska cafiyo oo
ay isfurtaan(Fidyo). Talada laysku raacay waxaa khilaafsana cumar ayaa qabay in
surka laga guro. Waxaase markii dambe soo dagay quraan taageeraya taladii Cumar
bin khadaab.
Talooyinka uu la wadaagay asxbaatay waxay ka mid ahayd
sababihii guusha Duulaankii Badar marka laga yimaado Nasriga Allaah uu siiyey
Muslimiinta.
Nabigu wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu waynaa ee ebid
duhanida soo mara, hadii taariikhdiisa ay akhrin lahaayeen madaxda somalida wax
weyn ayay iska badali lahaayeen.
Cumar
Bin Khadaab (Khaliifkii Muslimiinta)
Cumar oo ahaa khilaafadii dowladii waynayd ee muslimiinta
ayaa damcay inuu xadeeyo meherka gabdhaha lasiinayo, gabar ayaa ka hortimid oo
tiri ma wax ilaahay xaq noo siiyey ayaad badalaysaa adigu. Markaas ayuu yiri “
Cumar waa gafay, gabarna waa saxday”
Marka wuxuu ahaa hogaamiye la naqdin karo oo khalad laga
qaban karo. Balse waxaa badalay kuwa xitaa aan la fiirin karinMahatir Mohamed
Waa raysal wasaarihii hore ee dalka Malaysia, wuxuu xilka
qabtay 1981 iyada oo dadkiisu 52% ay yihiin fakhri, Malaysia oo ku tiirsan
kaliya beeraha oo aan lahayn wax wershado ah.
Wuxuu qoray kitaab uu ku canaananayo dadkiisa Malayga ah
oo uu ku tilmaamayo inay yihiin dad caajislowyaal ah, wuxuuna kasbaday
qalbigooda, wuxuu Malaysia u badalay wadan maamul wanaagsan oo wax soo saar
leh, 2002 dadkii fakhriga ahaa ee Malaysia waxay noqdeen 5% kaliya, 80% waxay
ay dunida u iibgayso waa wax lagu sameeyo warshadaha dalka Malaysia, 85%
gawaarida ay kaxaystaan waxaa lagu sameeyaa dalka gudihiisa.
Sidaas oo ay tahay isaga oo la jecelyahay ayuu xilka ka
degay 2003 markii uu arkay in ay jiraan rag kale oo uga haboon inay sii wadaan
geedi socodka horumarka Malaysia.
Tilmaaha aan ka rabno inuu yeesho
hogaamiyaheena :-
1- Inay si dhab ah u aaminsanyahay ummada uu hogaaminayo
kuna hogaamiyo caqiiqada ummadaasi ay leedahay
2- Inuu yahay mid talowadaaga ah, lana tashado dadka
diinta iyo cilmiga usaaxiibka ah
3- Inuu yahay geesi ubabac dhiga kara khatar kasta oo
timaada, maslaxada caamka ahna uu ka hormariyo midiisa khaaska ah
4- Inuu ku tiirsanaado dhabta, uusana iska rumaynin kuwa
ku hareeraysan ama cid gaar ah waxa ay uga sheegayso ummaddiisa ee uu wax walba
u kuur galo
5- Inuu yahay hogaan caafimaad qaba, oo aan maskax ahaan
u daalin oo firfircoon
6- Inuu yaqaano diinta iyo culuumta maamulka, dhaqaalaha
iyo hogaaminta
7- Inuu yahay qof nadiif ah oo ka baraxtiran musuqmaasuqa
iyo qabyaalad
8- Dadka inuu kasban karo oo uusan ahayn mid afxun oo
dadka didiya
9- Mid fahmi kara shirqoolada shisheeya, lana jaan qaadi
kara siyaasadaha caalamka
10- Inuu yahay nin diin leh, ilaahay ka cabsiguusuna
badanyahay
Gabagabo
Hogaamiyuhu Ma aha madaxweynaha ama qofka idinku daraja
sareeya, balse waan kan lagu daydo. Ma aha qofka koox ahaan idinku mushahar
badan, balse waa khatar u bareeraha.
Ma aha qofka idinku gaari ballaran ama idinku guri weyn,
balse waa adeegaha. Ma aha qofka nafsadiisa ama nafsadeeda horumariya, balse
waa kan horumariya kuwa kale. Ma ah maareeye, balse waa curiye, ma aha qaate,
balse waa bixiye. Ma aha hadlaa afminshaar ah, balse waa dhagayste.
Tixraac(References)
1- Buuga Hogaaminta Wanaagsan, Dr.Cabdi Shire; first
edition
2- Qaamuuska Af-Soomaali, Yaasiin C. Keenadiid
3- Kitaaba Siirada Nabiga ee Ibnu Hishaam
4- http://vb.maharty.com/showthread.php?t=9602
Qore:
C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan
Email: bincawf12@gmail.com
NO COMMENTS