Madaxweynaha Jubbaland Oo Si Wanaagsan Loogu Soo Dhaweeyay “Sawirro” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug.

Axmed Madoobe iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo oo kulamo ku qaadan mas’uuliyiinta labada maamul.

Labada dhinac ayaa waxaa hada u socda kulan albaabada u xiran, waxaana ay ka wada hadlayaan xiriirka labada maamul, arrimaha nabadgelyada dib u heshiisiinta, iyo hiigsiga sanadka 2016.

jubaland-1jubaland-2jubaland-3jubaland-4jubaland-5jubaland-6

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS