OPEN LETTER TO PRESIDENT PROF.HASSAN SHIKH
Thursday July 18, 2013 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Waxaan fursaddani
kaga fa`ideysanaaya inaan kuu soo jeediyo hambalyada ugu qaalisan loo diro mudane
qiimahiisu iyo qaayahissu an lahayn xad iyo xuduud lagu matalo. Mudane
madaxweyne Prof.Hassan,shacabka soomaliyeed iyo addunweynahuba waxaa deeqay
oona qanciyay howlqabadkagi dhera
iyo halgankaagi muddadii gudcurka uu dadka iyo dalkuba ay ku jireen,sidaasi
darteed ayaa waxaan gartay inaan ka shacab ahaan wax yaro talo ah inaan ku
biirsado fikradeeda maadama aan hubo inaad tahay qof jecel inuu dadkiisa kala tashado
wanaaga dalka.
Arrimaha Ammaanka:
waxaan shaki ku jirin 22kii sano ee
dagallada sokeeye iyo dowlad la`antuba ay noqdeen murugo iyo walaac ka baxsan
xad lagu sabro, aad ugu baahay dalkeena iyo dunida oo idil,ilaa heer uu
caalamku dareemo qatarta ku soo fatahi doonta mustaqbalka dambe;taaso keentay
in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro qaabka dowladnimo ee ku meel gaarka
ah(qatarta waad garan karta ee faafahin uma baahna). Dalku madaama uu ka
hirgalayo nidaam ku salaysan qaabka federalka
ah,waxaa haboon inay deegamada iyo gobollada ay dowladda horey u
xureysay&kuwa ku sii xigaba ay dhinaca sugidda amnigooda ay ka howl galaan
dadka u dhashay deegaanka & AMISOM . In deegamadaasi laga abuuro guddi gaar
u ah dhinaca ammaanka oo uu ka kooban yahay qabiilka ama qabiilada ku
dhaqan ,lagana ilaaliyo qaswadayaasha oo adeegsada magaca qabiilka laakin aanan
degganayn ama ka wadan kalsooni qabiilka ama qabiiladaasi . In deegamadaasi
laga abuuro guddiyoka shaqeeya xoojinta xiriirka guud ee saameya sugudda
ammaanka guud ee gobolkaasi amase loo yaqaan (coordinators);isla markaasina la abuuro xaruumo lagu xoojinayo
qiimaha ay nabadduuleedahay dalka iyo Warbaahin aan daahneyn in
lagu baraarujiyo dadka inayka hortagaanqof allale iyo qof
adeegsanaaya falal liddi ku ah maniga guud deegaamadooda iyo xiriirka
guud gobollada deriska la ah deegamadooda si looga hortago cadowga nabadda
dalka iyo dadkaba. Abuuris xaruumo lagu hanuuniyo dadka iyo dhallinta sidii
loga hortegi laha cadowga adeegsada diinta oo uu dan gaar ah ku fushado. Guud
ahaan waa howl aad u dhib badan,laakin waxaa sahal ka dhigi kara haddi ay
dowladda adeegsato dadka wata kalsoonida tolka. waayo haddi kale waxaa lumi
karta KALSOONIDA SHACABKA,taaso
dhalin karta DAGAALLO YAR-YAR oo ku
sii fidaaya fowdada guud. Waxaan kula talin lahaa inay dowladda xoogga saarto
muujinta AWOODEEDA,iyado
adeegsanaysa CADDAALAD,SINNAAN&UNITY.
Siyaasadda waa murayadda shacabka,madaxduna waa MUUQAALKA &SUMCADDA SHACABKA,sidasi darteed iyo tixgelinta
dhaarta waa caddeymo qiraya AAMINSANAANTA DIINTA,taasina haddi laysku been
dhaarto KITAABKA waxaa faraha ka baxaysa DIINTA. Dowladdu waa inay ahaata
HORMUUDKA simidda SHACABKA oo u kala
qeybiya XAQQOODA si nadiif oo sal u
ah dacadnimo,si loo soo celiyo kalsoonidii iyo walaaltinimadi luntay ee
qabiiladii soomaaliyeed.Xaqiraadu waa inay DHAMAATAA.
Dib u heshiisiin dhab ah in loo fidiyo DADKA
AY QABIILADU DOORTEEN,waayo dalku waa qabiilo isu tagay oo leh DASTUUR, oo qeexaaya awoodaha iyo
xiriirka awoodda iyo qaabka u hoggaansanaanta shuruucda DOWLIGA ah. Haddi cidweliba ay ku ekaan lahayd XAQEEDA,qabiilweliba ku ekaan lahaa deegaankiisa maanta ma jiri
lahayn dagaalka sokoye iyo is-qaqabsi qabiilo ama jiffoyin qabiileed. Nidaamka
dowliga ahna wuxuu adeegsada ilaha RUNTAah maadaama ay DOWLADDU metesho shacab nadiif ah,waxaan ka filayno dhinaca
dowladda waa ka tarjumidda shacabka soomaliyeed inay yihiin dad
ah:aamin,daacad,caadil,nabaddoon,wadani,xaqdhowre
sharci iyo dhaqan,hidde iyo DIIN. Sharafta shacabku uu ugu dhiibay
mas`uuliyaddasi waa inay ilaaliyaan MAS`UULIYIINTAaad adiga ugu HORREYSID.
MAHADSANID
RAMADAAN KARIIM
POLITICAL ADVISER D&M IN U.K. .
ENG.MOHAMUD H.ALIYOW IBROW
NO COMMENTS