Ciidamo Ka Gadoodsan Mushaar La’aan Oo Isku Geedaamay Afgooye
Views: 3786
Thursday February 01, 2018 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa milateriga Soomaaliya ay la wareegeen dhinaca amniga iyo dhaq dhaqaaq degmadaasi.
Waxaana la sheegay in uu hakad ku yimid gaadiidkii isaga kala gooshayay gudaha magaalada Afgooye ee gobolkaasi Shabeelaha Hoose.
Ciidamada ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamadaasi.
Dhinaca kale maamulka degmada Afgooye ayaa beeniyay in Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay la wareegeen magaaladaasi.
Taliyaha saldhigga degmadaasi C/qaadir Cismaan Mursal oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamadu aysan la wareegin maamulka degmada, balse uu jiro gadood ay sameeyeen.
NO COMMENTS