Video Kulan looga hadlayay xoojinta Amniga oo lagu qabtay Baraawe

  Saturday January 20, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Kulan looga hadlayay xoojinta Amniga oo lagu qabtay Baraawe
kulan looga hadlaayay Amniga Gobolka Shabeelaha hoose ayna ka qeybgaleen Masuuliyinta Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa gobolka Shabeelaha hoose ayaa lagu qabtay Degmada Baraawe ee Gobolkasi. Kulankaasi ayaa waxa looga hadlay ka warbixiyay Gudoomiye ku xigeenka maaliyadda C/fitaax Cabdulle, wuxuuna sheegay in xaladda gobolka shabeelada hoose iyo kulamada ay la yeesheen masuuliyiinta ku sugaan magaalada Baraawe. Masuuliyiin ka socda Wasaarad arrimaah gudaha ee maamulka K/galbeed ayaa kulamo la yeeshay Masuuliyinta magaalada Baraawe oo iskugu jira Odayaasha dhaqanka iyo dadka degaanka, waxayna kala hadleen ammaanka degmada sidii loo xaqiijin lahaa, iyaadoo la ogsoon yahay in Maleeshiyaadka Al-shabaab sanadkii tagay ayaa ku dileen labo ruux oo ka mid ah dadka deegaanka. Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sidoo kale sheegay in ay laga marmaan tahay sugida ammaanka degaanada gobolka shabeelaha hoose, wuxuuna ugu dambeyntii ugu baaqay Dadka ku sugan magaalada Baraawe in ay ka qeyb qaatan sugida amaanka magaalada Baraawe .
 HOOS KA DAAWO MUQAALKA 

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS