SAWIRRO: QM oo sheegtay in Soomaaliya u baahan tahay $1.6 Bilyan

  Wednesday January 17, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
QM oo sheegtay in Soomaaliya u baahan tahay $1.6 Bilyan

Xasan Cali kheyreRaisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kaga qeyb galay Kulan looga hadlayay Qorshaha Arimaha Bini’aadanimada Soomaaliya Ee 2018 oo ay soo qaban qaabisey Qaramada midoobey

Waxaa sidoo kale kulankaan ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Qaramada midoobey Midowga Afrika ururo Caalami ah iyo Hay’adaha Xuquuqul insaanka Soomaaliya

Raisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo wanaagsaneyso xaga xuquuqul insaanka Marka loo Eego sida meesha looga saarey Dhacdooyinka Bini’aadanimada Ee ka dhici jirey Degaanada Soomaaliya sida kufsiga jirdilka iyo Waxa soo raaca

Masuuliyiinta Qaramada midoobey ayaa sheegay in loo baahan yahay Hal dhibic Lix Bilyan Oo doollar US$1.6 Billion si loogu Caawiyo Shan dhibic Afar milyan oo Qof 5.4 Million oo u baahan Gargaar bini’aadanimo.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS