Daawo: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Guda Gashey Sahanka iyo Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ee Baraawe

  Tuesday April 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baraawe Ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa tilmaamaya in Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku tala jirto in garoon cusub laga dhiso Demadaasi.

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Madxtooyada KGS Maxamed Cabdulaahi Mursal, Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomada C/laahi Black iyo Xoghayaha Xafiiska Madxweynaha Aadan Cabdinaasir iyo Enjineero Kasocdo SSF ayaa gaareen Degmadaas isla markaana Waxa ay sheegeen in SSF ay gacan ka gaysaneyso dhismaha cusub ee Garoonka.

Wasiirka Madaxtooyadka Dowlada KGS ayaa Sheegey ina muddooyinkii ugu dambeeyay ay wadeen qorshayaal lagu dayac-tirayo dhammaan garoomada diyaaradaha ee gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya, arrimaha dayactirka qarashaadka ku baxayana ay iska kaashanayaan maamulka iyo qaybaha bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha waxaa uu ammaan iyo boogaadin u soo jeediyay ganacsatada Degaanada Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya oo uu ku tilmaamay kuwo ay ka go’antahay hormarinta gobolkooda.

Ugu dambeyntii, Dawlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa mudooyinkii danbe wadey qorshayaal lagu horumarinayo ilaha dhaqaalaha KGS gaar ahaana garoomadda iyo Dekedaha kuwaasoo lagu dhisayo nidaamka loo yaqaano “PPP “oo ah in Dawlada, shacabka iyo deeq bixiyayaashu kawada qayb galaan dhismayaashaasi.

Halkan Ka Daawo Sawiradda Maanta

010203040506

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS