Daawo Sawirada'' Laami Qurux badan oo la saarayo Inta u dhaxeysa Isgoosyada Zope iyo Dan-wadaagaha
Views: 4284
Wednesday April 06, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Guddi is abaabulay , ganacsato iyo Shacabka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa bilaabay in ay laamayo qurux badan saaraan laamiyo bur bursanaa in ka badan 24-sano , waxaana hada soo baxday hadii ay shacabka is abaabulaan in dalkooda dhisan karaa iyaga oo ka maar maya gacmo shisheeye .
Waxaa hada Laami la saarayaa inta u dhaxeysa Isgoosyada Zope iyo Dan-wadaagaha ee Degmada Wadajir, waxaana dhismaha Wadadaasi lacagta ku baxeysa bixiyay ganacsato iyo shacaka degan hareeraha laamigaasi, waxaana dhismaha Wadooyinkan fulinaya Shirkadaha Kulmiye iyo Sahan.
Dhawaan ayaa sidoo kale lasoo gabo gabeeyay dhismaha Laamiga inta u dhaxeysa Isgoosyada Sayidka iyo Howl-Wadaag, waxaa sdoo kale dhawaan la filayaa in laami la saaro Wadada Wadnaha iyada oo laga maar mayo gacmo shisheeye.
















NO COMMENTS