Xukuumadda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga

  Monday March 14, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalkxiiska ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa tacsi u direy dadkii ku geeriyooday weeraradii argagaxisinimo oo ka dhacay xalay magaalada caasimadda u ah dalka Turkiga ee Ankara.

Maxamed Cabdi, wasiirka warfaafinta dalka ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka xuntahay dhibaatada kooxaha arxanlaawiyaasha ay u geysteen dadka shacabka reer Turki, isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay la qeybsanayso xaaladda adag ee Turkiga hadda heysata.

“Waxaan tacsi u direynaa madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo shacabka Turkiga dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Ankara, waxaan leenahay intii dhimatay ilaahay ha u naxariisto, kuwo dhaawacyada ka soo gaareena caafimaad ayaa u rajaynaynaa”ayuu yiri wasiir Maareeye.

In ka badan 30 ruux ayaa ku geeriyootay halka ku dhowaad 80 kale ay dhaawacyo ka soo gaareen kadib weerar loo adeegsaday gaari oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdugon, ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhanka kooxaha argagaxisada kuwaas oo uu sheegay in ay ka soo horjeedaan nabadda iyo xasiloonida dalka Turkiga.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS