Madaxweynaha Angola oo ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo

  Saturday March 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Angola Jose eduardo dos Santos ayaa ku dhawaaqay inuu siyaasada ka fariisan doono marka la gaarso sanadka 2018, xilligaasoo uu waqtiga ka dhamaanayo.

Dalka Angola oo horay u gumeystay dalka Bortuqiiska (Portugal) ayaa waxaa tan iyo sanadkii 1979 xukumayay Mr dos Santos.

Jose Eduardo dos Santos ayaa ahaa hogaamiyaha labaad ee ugu xukunka dheer Afrika, dad badan ayaa ku eedeeyay kali talisnimo iyo xukun jaceyl.

Sanadkii 2000 waxaa uu ku dhawaaqay inuu xukunka ka degi doono, balse waxaa uu mar kale sii watay xukunkaas, waxaa uu is bedel ku sameeyay dastuurka dalkaas sanadkii 2010.

Warbaahinta dalka Angola ayaa sheegay in aanay wax cusub aheyn in Madaxweyne Jose Eduardo uu sheego inuu xukunka ka degayo, waxaana adag in la aamino.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS